|
....SHIRIB.....
SILATU RIXIM MAAD RABTIIN
........... WAXAAD KA RAADIHEE RABTAAN.
WABSEET RIHIM WAXOOW RABAA...... IN LOO RAXMADO
RAASASKAAN. |
Deeqdaan
Lacagta Cadaan ah ayaa waxaa iska soo uruuriyay gabdhaha
soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Dibadiisa gaar ahaan
dalka Mareekanka kana mid ah Ururka Rihim ee ku bahoobay
gabdhaha soomaaliyeed ee u istaagay in ay caawiyaan
bulshada soomaaliyeed ay ragaadiyeen colaadaha ma
dhamaatada ha.

Deeqdaan lacagta ah ayaa waxay gaareeysay $1,000 (Hal
Kun doolarka mareekanka ah ) , taa oo ay gudoonsiyeen
mas'uuliyiinta ururka Rihim ee ku sugan gudaha
soomaaliya gaarahaan magaalada mugdisho.

Xilligi lagu guda jiray gudoonsiinta lacagtaasi kaaashah
ayaa wuxuu ka war bixiyay Maamulha
Xarunta Imaamu
Nawawi ee agoonta soomaaliyeed cabdu Qaadir
cadnaan sida uu ugu faraxsan yahay xasuusta ay soo
xasuusteen ururka Rihim Agoonta soomaaliyeed Gaar ahaan
gabdhaha u istaagay in ay kaalmeeyaan xilligaan
agoontana oo aan cidna u maqneeyn alaah mooyaan kaliya
marar qaar oo ay soo xasuustaan sidaan oo kale gabdhaha
soomaaliyeed iyo shaqsiyaad kale , ugu danbeeyntiina
wuxuu alaah ugu baryay inuu ugu abaal mariyo janadiisa
dhamaan inta u sitaagtay kaalmeeyntaan ururinteeda ilaa
laga soo gaarsiiyo ayaga.

asagoona ku tilmaamay inay kaalmadaani tahay kaalmo
mudan ku dayasho mudan cidii uu alaah siiyay fadli
dheeri ah si uu ugu baxsado maalin uu maanta kaga baahi
badan yahay.

waxaa
sidoo kale indhaha soo jiidanayay inta aan ku sugneyn
gudah xarunta asluub wanaag loo xanaaneenayo agoonta
soomaaliyeed ayda oo ay muuqatay baahi taagin mudana in
la xuso sida meelaha qaar dhismo u baahan iyo dayactir
iyo sariiraha jiifka.











hadab
cid alaala cidii dooneeysa wax u qabadka agoonta iyo
dadka dhibaateeysan waxaay nagala soo xiriirkaraan
dhamaan cinwaanada ururka gudhah iyo debada ama
cinwaanka
rihimorg@hotmail.com
rihimorg@hotmail.com
.
|