....SHIRIB.....

SILATU RIXIM MAAD RABTIIN ...........  WAXAAD KA RAADIHEE RABTAAN.

WABSEET RIHIM WAXOOW RABAA...... IN LOO RAXMADO RAASASKAAN.

Masafadaan oo aan kasoo xiganay Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa u dhaceeysay sidan asaga oo ka warbixyay Munaasabada uu ka tiriyay Sh.Axmed Wacdiyoow Waatan Masafada :

  • Aduunyo waa haran , waana heeyreey.

  • Awalna waa naga sii horeeysay.

  • Hadana waa naga soo heree.

  • Wixi lahaayo mareey Halaabaan.

  • Waxaadan heyna maraad helee.

  • Horay u dhiibo adaa helaayee.

  • Amiska heyso dadoow heraaye.

  • Hawo Aduunyo Hingow danbeeyso.

Munaasabada uu ka tiriyay masafada Sh.axmed Wacdiyoow :

waxuu noo sheegay abwaanka sheekh axmed wacdiyoo inuu arkay nin taajir ah , misna Bakhiil ah aan wax u ogoleen masaakiinta , markaasuu ka tiriyay masafadaan .

guud ahaan masafadaan ayaa waxay la had leeysaan dhamaan dadka soomaaliyeed ee ilaahay fadliga siiyay in ay si fiican u aqriyaan , soona xasuustaan barkacayyasha soomaaliyeed waxna u qabtaan ,

si ay ugu badbaadaan maanta maalin ay kaga dhibaato badan yihiin.

 

rihimorg@hotmail.com

 

 

.