....SHIRIB.....

SILATU RIXIM MAAD RABTIIN ...........  WAXAAD KA RAADIHEE RABTAAN.

WABSEET RIHIM WAXOOW RABAA...... IN LOO RAXMADO RAASASKAAN.

Deeq Raashin iyo Lacag isugu jirta  ayaa waxaa maanta la gudoonsiiyay 85-qoys oo u dhashay wadanka Zanzibar kuwaasi oo qaxooti ahaan ugu  sugan gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Deeqdaani oo gaaraysa $1500 oo doolarka Maraykanka ayaa waxaa soo dhiibay Gabdho Soomaaliyeed oo ku sugan Dalka Maraykanka Gaar ahaan Magaalada Farjiiniya kuwaasi oo ugu talagalay in ay ku sadaqeystaan walaalaha muslimiinta ah ee qaxooti ahaanta u jooga dalka dhibaataysan ee Soomaaliyeed.

 

Deeqdaan ayaa waxaa ay isugu jirtay Raashin iyo lacago Cadaan ah waxaana deeqdaasi dadkaasi gudoonsiiyay Aamino Aadan oo walalaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka ay u xil sareen in ay u qeybiso dadlkaasi aamina ay usoo wakiilatay ururka rihim eek u sugan gudaha dalka soomaaliya.

 

Dadka deeqda la gudoonsiiyay ayaa Waxaa ay si weyn ugu mahad celiyeen gabdhihii muslimiinta ee deeqdaasi u soo dhiibay iyagoo markii la gudoonsiiyana si aad ah ugu farxay  maadaama ay si aad ah ugu baahnaayeen.

 

Qaxootiga Zanzibar ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambaysa la soo darsa dhibaatooyin xoogan oo dhanka nolasha ah,waxaana taasi u dheer dhibaatooyin hoose oo ay kala kulmaan qaar ka mid ah dad Soomaaliyeed.

rihimorg@hotmail.com

 

 

.